Dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka oo Iskaashi gooni ah ku dhawaaqey

Image
Image
Image
Image
Image

Imraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa ku dhawaaqey iney sameysteen iskaashi ciidan iyo ganacsi kaasoo dibada ka ahaan doona midka ay la wadageen dalalka Khaliijka (GCC), sidaas waxaa warsaxafadeed ku soo saarey wadanka Imaraadka Carabta.

Warkaan ayaa soo baxay maalinamadii Talaadada xilli meeshii ugu hoseysay uu marayo xiriirka lixda wadan ee ku bahoobey Iskaashiga Khaliijka kuwasoo kala ah; Sucuudiga, Qadar, Baxreyn, Cumaan, imaraadka Carabta iyo Kuwiat.

Warsaxadeedkaan kasoo baxey wasiirka arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegey in la magacaabey guddi ka wada shaqeeya islamarkaana xiriir ka sameeya arimaha ciidamada, siyaasada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka labada wadan ee Imaraadka iyo Sucuudiga 

Dowlada Sucuudiga weli wax war ah kama saarin iskaashigaan cusub ee dhexmaray labada wadan

Dhinaca kale waxaa maalin ka hor soo dhamaadey kulankii wadanka Kuwait uga socdey Lixda wadan ee Khaliijka (GCC) iyadoo aheyd in maalinta Arbacada soo dhamaado, halka wufuudo ka socotey dalalkaas ambabaxdey.

Kulankaan Kuwait ayaa qabsoomey Lix bilood kadib markii Sadex wadan oo ka tirsan Isbaheysiga Khaliijka cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogeen wadanka Qadar.
 
Dalka Baxreyn ayaa kulankaan u soo direy wafdi heer hoose ah oo uu hogaaminayo ku-xigeenka ra'isal wasaaraha halka dalka Sucuudiga wakiil uu ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Adel al-Jubeir iyadoo qoyska reer boqor aysan soo xaadirin kulankaan.
 
Dalka Qadar ayaa kulankaan waxaa u matalayey Amiirka dalkaas Shiikh Tamim bin Hamad al Thani halka madaxda sadexda wadan ee cunaqabateynta ku soo rogey Doha aysan imaan Kuwait.
 
Talaabadaan ayaa waji-gabax ku aheyd Amiirka dalkaas oo horey ugu guuldareystey inuu xaliyo khilaafka soo kala dhexgaley wadamada ka tirsan iskaashiga Khaliijka.
 
Ajendaha shirka ayaan la shaacin iyadoo la maleynayey in qodobka ugu muhiimsan uu ahaa sidii khilaafkaan loo soo afjari lahaa.
 
 
 

Related Articles

Trump: Israa’iil Ma Heli Doonto Oggolaansho Inay Weerarto Iran “Waqti Dhow”

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu si cad ugu sheegay Netanyahu inuusan siin doonin Israa’iil oggolaansho.

  • Caalamka

    10-06-2025

  • 08:50AM

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM