Dalka Iraan oo la geeyay qaar ka mid ah Xujaydii uga dhimatay Sacuudiga

Image
Image
Image

03 Octobar, 2015(GO)-104 ka mid ah Xujaydii ku geeriyootay dalka Sacuudiga ayaa maanta la geeyay magalada Tehran ee caasumadda dalkaasi si loogu aaso.

Madaxweynaha Iraan Hassan Rouhani iyo Mas'uuliyiin kale ayaa ka qayb galay tukashada Salaadda Janaasada ee mayadadka.

Xujaydii ugu badnayd ayaa dalka Iraan uga dhimatay isbuurashadii ka dhacday Xajka oo ay ku dhinteen ku dhawaad 770 ruux, waxaana Madaxweyne Rouhani dhacdadaasi ku eedeeyay Boqortooyada Sucuudiga oo uu tilmaamay inay sababtay maamul xumo.

Madadka kale ee reer Iraan ayaa la filayaa in dhawaan la keeno dalkaasi si loogu duugo waddankooda.
 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM