Dalka Kenya oo qaadey qaar ka tirsan dhaawacii Muqdisho

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Dalka Kenya ayaa ku soo biirey wadamada qaadaya qaar ka tirsan dhaawacyada qaraxii maalintii Sabtida 14 Oct,2017 ka dhacey magalaada Muqdisho.

Qaar ka tirsan dhaawacyadaas ayaa galabta laga dajiyey magalaada Nairibi halka ay kaga  hor-yimaadeen Garoonka qaar ka tirsan saraakisha caafimaadka dalkaas.

Wadanka Turkiga iyo Qadar ayaa maanta iyo Shaley qaadey qaar ka tirsan dhawacyadii qaraxii lala beegsadey magalaada Muqidisho Halka la yiraahdo Zoope.

Weerarkaan oo ay ku dhinteen dad gaaraya 300 halka dhaawacu ku dhow yahay 500 qof ayaa waxaa lagu tilmaamey inuu lamid ahaa falalkii argagixisada ee lala beegsadey safaarada Mareykanka ku leeyahay dalka Kenya iyo 9/11 oo iyadana ka dhacdey magalaada New York ee cariga Mareykanka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo ka tirsan AMISOM iyadoo dhinaca kale ku sugan yihiin Qaxooti fara badan ee ka soo cararey dagaalada sokeeye ee halakeeyey wadankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM