Dalka Qadar oo diidey shuruudihii lagu xirey in cunaqabateynta laga qaado

Image

Wasiirka arimaha dibadda ee Qadar Mohammed Bin Abdulrahman Al-thani ayaa sheegay in aysan suurta-gal ahayn shuruudaha ay soo bandhigeen xulufada Sacuudiga ,isla markaana ku baaqay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo xiisad-da taagan.

Mar uu ka hadlayay shir jaraa'id oo u ku qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayuu sheegay in qodobadan loogu tala-galay cadaadin ,isla markaana ay iska cad-dayd in dhanka Qadar laga diidi doono.

"Qof walba waa uu ka war-qabay in dalabyada ka yimid xulufada ay ahaayeen kuwa la diido doono ,waxaana loogu  tala-galay in lagu fara-galiyo madax banaanideena iyo xoriyadda hadalka ee Qadar " ayuu yiri wasiirka.

"Waxaan aaminsanahay in aduunku uusan ku kala socon shuruudo , balse lagu hago xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah " ayuu mar kale yiri wasiirka oo tilmaamay in dhankooda uusan saamayn balaaran ku yeelan doonin go'doominta lagu soo rogay.

Ugu danbayn, xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa cunuqabtayn ku soo rogay dowladda Qadar ka dib markii lagu eedeeyay in ay taageerto ururo ay kamid yihiin Xamaas iyo Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM