Qatar oo lagu eedeeyey "maalgelinta" jabhad argagixiso

Image

LONDON, Uk - Dalka Qatar ayaa asbuucaan Maxkamad ku taal dalka Ingriiska iney boqolaal million oo dollar u dirtey Jabhad ka dagaalameysay dalka Syria oo la yirahado al- Nusra Front, sidaas waxaa shaaciyey jariidada la yiraahdo The Times. 

Sagaal qof oo Siyrian ah ee aan la magaacibin ayaa dhibaatooyin soo gaarey magdhow ka dalbanaya waxayna mas'uuliayda saarayaan Labo Bangi oo Qatarian ah, hay'ado khayriyaad ah, ganacsato iyo siyaasiyiin kuwaas la sheegey in lacago sharci daro ah u dirayeen Jabhadaan markii dambe lala xiriiriyey iney gacansaar la leheyd Al-Qaeda.

Eedeysanayaasha ayaa sida warbixintaan lagu qorey The Times ka mid ah; Hamad bin Jassim al-Thani oo ahaa RW hore dalka Qatar iyo Abdulahadi Mana al-Hajri oo iska leh hotelka la yirahado Ritz Hotel ee ku yaal London. Eedeysanayaasha qareenada matalaya ayaa beeniyey arinka loo hayato.

Dacwadaan oo la geeyey qaybta ganacsiga Maxkmamadda sare ee dalka Ingriska ayaa waxa kamid ah kulamo nimankaan la yeesheen ururka Muslim Brotherhood, lacago la is-daba mariyey kuwaas oo lagu qarsadey dhismayaal laga iibiyey dalka Turkiga kadib lagu maalgaliyey Jabhadaan.

Eedeymahaan ayaa soo shaac bixi doona sida jariidada lagu shaaciyey The Times marka maxmamada furanto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM