Dalka South Africa oo yeeshay Madaxweyne cusub

Image

Johannesburg - Cyril Ramaphosa ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka South Africa kadib markii uu xalay xilkaasi iska-casilay Jacob Zuma.

Baarlamaanka South Africa oo ka kooban 400 oo Kursi ayaa u doortay Cyril Ramaphosa inuu hogaamiyo dalkaasi inta laga qabanayo doorasho cusub sanadka soo socda ee 2019-ka.

Madaxweynaha cusub oo 65 sano jir ah ayaa waxa uu sidoo kale hogaamiye u yahay xisbiga talada haya ee ANC oo kuraasta ugu badan ku leh Baarlamaaka wadanka South Africa.

Bishii December, 2017 ayaa loo doortay Gudoomiyaha ANC markii xilkaasi laga qaadey Jacob Zuma.

Ramaphosa ayaa bedelaya Jacob Zuma oo is-casilay kadib markii uu laguu eedeeyay musuq-maasuq, iyadoo uu kala kulmay Xisbiga ANC cadaadis xooggan oo ku aadan inuu is-casilo.

Shacabka Koonfur Africa ayaa si weyn usoo dhaweeyay isbebelka ka dhacay dalkaasi iyo iscasilaadii Jacob Zuma oo xafiiska joogay tan iyo 2009, isagoo ahaa Madaxweynihii 4aad oo uu yeesho wadankaasi.

Madaxweyne Ramaphosa oo kamid ah Ganacsade kamid ah dadka ugu hantida badan South Africa ayaa sanadkii 2014-kii noqday Madaxweyne ku xigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM