Danjirihii Ruushka ee Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MOSCOW, Russia – Safiirkii Ruushka segaashameediyadii u fadhiyey Soomaaliya, Sergei Kuznetsov, ayaa Axadii wuxuu ku geeriyooday magaaladda caasimadda u ah Russia ee Moscow, sidda ay ku warantay saxaafada maxalliga ah.

Kuznetsov oo aan la ogeyn sababta soo dedejisay geeridiisa ayaa haatan wuxuu ahaa danjiraha Ruushka ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safaaradda Ruushka ee Imaaraadka oo war-saxaafadeed kooban ku faafisay ciwaanadeeda baraha bulshadda ayaa u tacsiyeysay qoyskiisa.

Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in uu murugada la wadaagayo ehelka diblumaasiga.

Sergei Kuznetsov oo safiirka Ruushka ee Imaaraadka ahaa tan iyo April 4, 2019 ayaa ku geeriyooday da'da 68-sano jir. Wuxuuna dhashay 1953-dii.

Sanadkii 1976-dii ayuu ka qalinjebiyey Machadka Xiriirka Caalamiga ah ee Mosocw oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka. Waqtigiisa ugu badan wuxuu ku bixiyey howlaha la xiriira diblumaasiyada qarankiisa.

Tan iyo 1985-tii, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Russia iyo Dibadda. Qunsulka guud ee safaaradda Riyadh si lamid ah safiirka Ruushka ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu kala noqdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM