Dastuurka dalka Rwanda oo wax laga badalayo

Image

18 November, 2015(GO)-Barlamanka dalka Rwanda ayaa cod buuxa ku ansixiyay in wax laga badalo dastuurka dalkaasi, si mar saddexaad Madaxweyne Paul Kagame isu soo sharaxo hogaanka dalkaasi.

Arrintan, waxaa la galin doonaa afti Qaran, waxayna sahlaysa in si fudud lagu ogolaado, maadama golaha Senate-ka dalkaasi madaxweynaha u ogolaadeen wax ka badan loogu sameeyo dastuurka dalka.

Wax ka badalka Dastuurka ayaa Kagame u ogolaanaysa inuu helo fursad uu dalka ku hogaamin karo ilaa sannadka 2034.

Madaxweynaha Rwanda ayaa xilka ka dagaya sannadka 2017.

Xisbiga mucaaradka dalkaasi ee loo yaqaan Democratic Green Part, ayaa ka digay in wax ka badalka Dastuurka keeni karto xasilooni darro ka dhalata dalkaasi oo lagu tiriyo inuu xiriir dhaw la leeyahay waddanka Maraykan-ka oo Kagame u sheegay inuusan talada dalka ku soo laaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM