​David Cameron oo xilka wareejinaya

Image

Ra'iisal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa bilaabay maalintiisii ugu danbaysay ee shaqada intuusan xilka ku wareejin Theresa May.

Mr Cameron ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii ay Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu qaban doonaa su'aalaha ra'iisal-wasaaraha ee baarlamaanka ee la qabto Arbacada oo ah tii ugu danbaysay ee uu qabanayo, ka dib wuxuu tagi doonaa guriga boqortooyada ee Buckingham Palace, si uu ugu gudbiyo iscasilaadiisa.

David Cameron ayaa sii wadi doona shaqadiisa xildhibaanimo ee baarlamaanka Britain.

Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go'aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM