Dhakhtar HIV qaadsiiyay dad gaaraya 33 qof

Image

Wararka laga helayo dalka Hindiya, ayaa sheegaya in Dhaqtar uu caabuqa HIV ee keena cudurka AIDs-ka gaarsiiyay dad gaaraya 33 qof oo ku sugan gobolka Uttar Pradesh.

Ninkan oo la sheegay inuu yahay Dhakhtar aan shaqada u carbisnayn ayaa Bukaano qabay Caabuqyo kala duwan wuxuu u isticmaalay hal Siliinge dad kala duwan oo tiro ahaan lagu sheegay 556 qof.

Waxaa jira tiro badan oo aan lagu samayn baaritaan taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in cudurku siyaado.

Lama oga in tiradu intaas ka badan karto, balse waxaa la filayaa in wafdi heer Federaal ah oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka ay booqan doonaan degmada Unnao oo ah halka dhibaatadu ka dhacday.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli 50% boqolkiiba ay hoos u dhacday tirada dadka laga helayo cudurkaas.

Ciladda jirta ayaa lagu sheegay intahay in Dhakhaatiir anan qabin tababar wanaagsan dadku u raadsadaan adeegyo caafimaad, taasoo sare u qaadi karta walaaca laga qabo in cudurkan mar kale kor u kaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM