Dhalinyaro loo soo xiray masaajid lagu gubay London

Image

27 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada London ee xarunta dalka Britain ayaa sheegay ina la xiray labo qof oo dhalin yaro ah.

Dhalinyarada oo la xiray Subaxnimadii hore maanta oo Axad ah, ayaa da'doodu tahay 16 iyo 14 sano, waxaana lagu tuhmayaa ku lug lahaanshaha masaajid ku yaallay Koonfurta London.

Maasaajidka Dabka la qabad-siiyay ayaa la aaminsanyahay inuu yahay kan ugu wayn Yurub.

Dhismo xafiisyo ku dhagan masaajidka ayaa qasaaro badan soo gaaray, laakiin masaajidka ma aysan gaarin bur-bur  aad u ballaaran.

Ilaa 70 dab damis ayaa ka qayb qaatay sidii looga hortagi lahaa inuu ku faafo goobo kale oo ka agdhawaa masaajidka la gubay.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM