Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo "fasaxay" dilkii Jamal Khashoggi

Image

WASHINGTON, USA – Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa wuxuu ogolaadey howlgalkii sababay dilkii 2018-kii ee wariyihii u dhashay Sacuudiga, Jamal Khashoggi, sidda lagu sheegay warbixinta mudada dheer hakadka ku jirta sirdoonka Mareykanka taasoo Jimcada maanta ah lasii daayey.

Warbixinta sidda rasmi ah loola wadaagay warbaahinta kana soo baxdey saaray Xafiiska Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Mareykanka, ayaa lagu xaqiijiyay fahfaahinta warbixintii CIA-da daabacdey asbuucyo kadib khaarijinta qoraagan ka tirsanaa wargeyska Washington Post isla markaana deganaa gobolka Virginia.

Warbixinta oo ka kooban laba bog ayaa lagu caddeeyay in xogaha ay uruuriyeen ay tusinayaan in dhaxal-sugaha uu si buuxda gacanta ugu hayey kiiska Jamal isla markaana uu leeyahay go’aan ka gaarista "taageerida in la adeegsado talaabooyin kharbudaad ah si loo aamusiyo qurba-joogta uu kamid tahay Khashoggi".

Sidda laga soo xigtay warbixinta, howlgalkaas waxaa ka qeyb-qaatay taliyeyaal sar-sarre oo Maxamed bin Salmaan ku xiran iyo saraakiil dhanka ammaanka ah.

Si dhakhso ah looma caddayn talaabooyinka Mareykanka qaadi doono iyaddoo madaxweyne Biden horey u balaqaadey in Riyadh kula xisaabtamayo kiiskan.

Sharci-dajiyayaasha labada xisbi ee waddanka Mareykanka waxay si kala duwan u soo jeediyeen cunaqabateynno ka bilaabmaysa xaddidaadyo dhaqaale iyo mamnuucid ka dhan ah macaamillada USA ee uu la leeyahay amiirka dhaxal-sugaha ah ee 35-sano jirka ah si lamid ah in lagu oogo dacwad ciqaabeed.

Baahinta warbixinta ayaa la macno ah dhamaadka geedi-socod dheer oo bilowday markii Khashoggi uu u jihaystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul si uu uga soo qaato dukumiintiyada u fasaxa guudka balse ay dileen isla markaana meydkiisa jarjareen saraakiisha sirdoonka Sacuudiga. Illaa hadda, wali lama helin haraaga jirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Iran oo digniin culus u dirtay Israa’iil

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa ka jawaabay hanjabaada maamulka Israa'iil.

  • Caalamka

    16-04-2024

  • 12:49PM

Sacuudi Carabiya oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobay

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan.

  • Caalamka

    16-04-2024

  • 09:02AM