Dhul gariir ka dhacay dalka Talyaaniga

Image

Warar laga helayo waddanka Talyaaniga ayaa sheegaya in dhulgariir lagu qiyaasay 6.6 Rector, uu ku dhuftay bartamaha dalkaas oo muddooyinkii dambe masiibooyin is xig xiga ka dhacayeen.

Dhul-gariiska, ayaa  ka dhacay nawaaxiga magaalada Perugia oo katirsan Gobolkii uu bishii Ogoosto ee sannadkan uu ku dhuftay dhul-gariir galaaftay nolosha ku dhawaad 300 qof.

Lamasoo sheegin wax dhimasho ah oo masiibadan ka dhashay, waxaana goobta uu ka dhacay tahay meel dadku ku yar-yihiin, laakiin waxaa baahiyay sawirrada dhismayaal teel-teel ah oo bur-buray.

Hay'adda Talyaaniga u qaabilsan badbaadinta ayaa tilmaamay  in la eegayo baaxadda dhibaatadu ay leedahay. Magaalooyinka u dhow, sida Castelsantangelo, Preci iyo Visso ayey dadku isaga bexeen, ka dib dhul gariirro todobaadkii hore dhacay oo lagu qiyaasay 5.5 iyo 6.1.

Dhul gariirka dartii ayaa waxaa la joojiyey shaqadii tareennada dhulka hoos mara ee magaalada Roma. Magaalada caasimadda ah ayaa ka mid ah meelaha dhul gariirka laga dareemay.

Dhul gariirkan, ayaa noqday kii ugu weynaa oo dalkaas ka dhaca muddo 36 sanadood laga joogo, waxaa hay'ado Maraykan ah oo wax sahamiya ay sheegeen inuu imaan karo kuwo kale oo ka xajmi weyn midkan dhacay maantoo Axad ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM