​Dhul-gariir ka dhacay Japan oo dilay 19 qof

Image

Dhulgariir xooggan yaa saaka aroortii hore ka dhacay dalka Japan gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Kumamoto, halkaaso 24 saaac ka hor ka dhacay dhulgariir sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawac tiro badan.

Khasaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu gaarayo 19 dhimasho ah iyo dhaawaca 1,500 qof oo kale, kuwaaso 80 kamid ah xaaladoodu liidato, waxaan lagu dabiibayaa cusbitaallada waaweyn ee dalkaasi.

Dhul-gariirkan ayaa heerka cabirkiisa lagu qiyaasay 7.1.

Muuqaalo ay baahiyeen TV-yada dalkaasi ayaa muujinaya bur-burka iyo dhibka waddankaasi ka dhacay, iyadoo lagu soo waramayo inay dumeen dhismayaal tiro badan islamarkaana Korontadu gaysatay qasaaraha qayb kamid ah.

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe waxa uu sheegay in dadka lagu wargelin doono siday wax u dheceen, isagoo amray in dhammaan saraakiisha quseyso dhacdadan ay sidegdeg ah xaaladda u qiimeeyaan, si howlaha gurmadka loo billaabo.

"Waxaa nasaaran mas'uuliyad xooggan, khasaarahana waa sii kordhayaa hadii aan dhakhso wax looga qaban. Waxaa inagu waajib ah in xaaladda lasoo qiimeeyo gaar ahaan waaxyaha ku shaqada leh, si loo sameeyo gurmad,"Ayuu yiri Shinzo Abe, Ra'isal wasaraha Japan.

In kabadan 3,000 ciidamada isugu jira Boliiska iyo kuwa dab-damiska ayaa heegan la galiyay dalkaasi.

Xaalad dag-dag ah ayaa lagu soo rogay waddankaasi, waxaana socda dadaalo lagu samata bixinayo dadkii dhawacmay iyo kuwa 44,000 kor u dhaafaya ee hoy la'aantu soo wajahday.

Balse, khubarada ku xeel dheer arrimaha dhul-gariirka ayaa ku waramaya in xaaladu adkaato maadama wali jirto wal-wal laga qabo inuu dhul gariir kale dhaco.

Dalka Japan, ayaa kamid ah waddamada inta badan uu ka dhaco dhulgariirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM