Dhulgariir xoogan oo ka dhacay daka Nepal

Image

Dhulgariir xooggan oo sababay qasaare nafeed iyo waxyeelo guryo ayaa ku dhuftay galbeedka Nepal.

Booliska ayaa sheegay in la xaqiijiyay dhimashada in ka badan shan boqol iyo lixdan. Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa todobo dhibic hal, cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftay inta u dhexeysa caasimadda Kathamandu iyo magaalada Pokhara. Dhowr ruux ayaa ku dhimatay.

Wasiirka warfaafinta Nepal, Minendra Rijal, ayaa BBC-da u sheegay inay isku dayayaan sidii ay u cadeyn lahaayeen wararka waxyeelo badan oo ka dhacday bartanka dhulgariirka ee deeganada Gurha iyo Lumjung.

Dhismooyin badan oo ku yaala Kathmandu ayaa burburay waxaana ku jira minaarad la dhisay qarnigii 19-aad.

Raadiyaha Nepal ayaa uga digay dadka in ay dibadda u baxaan. Gariirka ayaa laga dareemay India iyo Pakistan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM