​Dibad-bax ka dhacay Jaziiradda Okinawa

Image

OKINAWA- Dibax-bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay Jaziiradda okinawa ee dalka Japan kaasi oo looga soo horjeedo ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaasi.

Cabshadan, ayaa lagu dalbanayaa in dalkaasi laga saaro ciidamada Maraykanka oo lagu dhaliilay inay jirdil iyo kufsi u gaysteen haweenay reer Japan ah.

Saldhiga ciidan ee uu Maraykanka ku leeyahay jasiiradda Okinawa ayaa waxaa kahawlgala 26,000 oo askari, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay boqolkiiba 20 jasiiraddaasi.

Saldhiga ayaa qeyb muhiim ah ka ah xiriirka ammaan ee ay wadaagaan Maraykanka iyo Japan.

Majirto ilaa hadda cid ka jawaabtay cabashada reer Okinawa, kuwaas oo dhawr jeer oo hore dowladda la hadlay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM