Dibadbax ka dhan kooxda IS oo ka dhacay caasimadda Ethiopia

Image

April 23, 2015 (GO)- Tobannaan kun oo qof ayaa dibadbax ka dhan ah kooxda IS ka dhigey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Dibadbaxeyaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah ururka IS islamarkaana cambaareynayey xasuuqii kooxdaasi kula kacdey muwaadiniin Ethiopian ah oo dhowr maalmood kahor dalka Libya lagu diley.

Bannaanbaxa ayaa markii dambe isu rogey mid rabshad wata, kadib markii dibadbaxeyaal careysni dhagxaan ku tuureen ciidamada booliska.

Booliska rabshadaha ka hor taga ayaa dadka ku kala eryey gaaska indhaha ka keena ilmada, waxaana xabsiga loo taxaabay dad tiradoodu kor u dhaafeyso boqol qof.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay jawaab adag ka bixin doonto xasuuqii ay kooxda IS muwaadiniinteeda ugu geysatey dalka Libya.

Barlamanka dalkaas ayaa talaadadii ka doodey jawaabta ugu habboon ee Ethiopia ay arrintan ka bixin karto, mana cadda ila iyo hadda in jawaabtu noqon doonto tallaabo militeri iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM