Dibadbax ka dhan kooxda IS oo ka dhacay caasimadda Ethiopia

Image

April 23, 2015 (GO)- Tobannaan kun oo qof ayaa dibadbax ka dhan ah kooxda IS ka dhigey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Dibadbaxeyaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah ururka IS islamarkaana cambaareynayey xasuuqii kooxdaasi kula kacdey muwaadiniin Ethiopian ah oo dhowr maalmood kahor dalka Libya lagu diley.

Bannaanbaxa ayaa markii dambe isu rogey mid rabshad wata, kadib markii dibadbaxeyaal careysni dhagxaan ku tuureen ciidamada booliska.

Booliska rabshadaha ka hor taga ayaa dadka ku kala eryey gaaska indhaha ka keena ilmada, waxaana xabsiga loo taxaabay dad tiradoodu kor u dhaafeyso boqol qof.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay jawaab adag ka bixin doonto xasuuqii ay kooxda IS muwaadiniinteeda ugu geysatey dalka Libya.

Barlamanka dalkaas ayaa talaadadii ka doodey jawaabta ugu habboon ee Ethiopia ay arrintan ka bixin karto, mana cadda ila iyo hadda in jawaabtu noqon doonto tallaabo militeri iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM