Dibadbaxyada dalka Tunisia ka socda oo sii fiday

Image

Tunisia: Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka socda qaybo kamid ah dalka Tunisia kuwaas oo salka ku hayo arrimo la xiriira shaqo la'aan iyo in hormar laga sameeyo dhinacyada arrimaha bulshada dalkaasi.

Arrintan ayaa ka bilaabatay magaalo  ku taalla bartamaha gelbeedka waddankaas gaar ahaan Kasserine ee ku dhow xadka Algeria, kadib markii wiil da' yar uu sheegay inuu isdili doono.

Wiilka ayaa laga diiday waraaqo codsi oo shaqo ku dalbanayay, waxaana rabshado biloowday awgood bandow lagu soo rogay magalada Kasserine Talaadadii lasoo dhaafay.

Banaanbaxyada ayaa sii fiday waxuu gaaray heerkii ugu sarrayay isagoo ku baahay bartamaha, Galbeed iyo Koonfurta waddanka Tunisia.

Dibadbaxayaal caraysan ayaa gubay labo saldhig Boliis iyo ilaa 7 gaari magaalo ku taalla koofurta, waxaana laamaha ammaanku sheegayaan in dadka qaybtiis isku dayayaan inay dhacaan goobo ganacsi, balse ishortaag lagu sameeyay ay isku faro saareen ciidamada ammaanka iyo dadka cabanaya.

Xukuumadda ayaa weli dalbanaysa in lasiiyo waqti arrintaasi kusoo afjarto, islamarkaana baaritaan ugu samayso musuqmaasuq lagu eedeeyay qaar kamid ah sharaakiisha dowladda.

Dibad baxyada hadda ee dalkaas waxa ay soo jiidanayaan dareenka xasuusta xambaarsan ee isu soo baxyadii 2011-kii xilka looga tuuray maamulkii waqtiga dheeraa dalkaasi ka jiray ee Zine Al-Abedine Ben Ali.

Xaaladda dalka ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaan in dib dalkaasi ugu laabto kacdoonkii gilgilay waddanka sannadkii 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM