Dibadbaxyada dalka Tunisia ka socda oo sii fiday

Image

Tunisia: Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka socda qaybo kamid ah dalka Tunisia kuwaas oo salka ku hayo arrimo la xiriira shaqo la'aan iyo in hormar laga sameeyo dhinacyada arrimaha bulshada dalkaasi.

Arrintan ayaa ka bilaabatay magaalo  ku taalla bartamaha gelbeedka waddankaas gaar ahaan Kasserine ee ku dhow xadka Algeria, kadib markii wiil da' yar uu sheegay inuu isdili doono.

Wiilka ayaa laga diiday waraaqo codsi oo shaqo ku dalbanayay, waxaana rabshado biloowday awgood bandow lagu soo rogay magalada Kasserine Talaadadii lasoo dhaafay.

Banaanbaxyada ayaa sii fiday waxuu gaaray heerkii ugu sarrayay isagoo ku baahay bartamaha, Galbeed iyo Koonfurta waddanka Tunisia.

Dibadbaxayaal caraysan ayaa gubay labo saldhig Boliis iyo ilaa 7 gaari magaalo ku taalla koofurta, waxaana laamaha ammaanku sheegayaan in dadka qaybtiis isku dayayaan inay dhacaan goobo ganacsi, balse ishortaag lagu sameeyay ay isku faro saareen ciidamada ammaanka iyo dadka cabanaya.

Xukuumadda ayaa weli dalbanaysa in lasiiyo waqti arrintaasi kusoo afjarto, islamarkaana baaritaan ugu samayso musuqmaasuq lagu eedeeyay qaar kamid ah sharaakiisha dowladda.

Dibad baxyada hadda ee dalkaas waxa ay soo jiidanayaan dareenka xasuusta xambaarsan ee isu soo baxyadii 2011-kii xilka looga tuuray maamulkii waqtiga dheeraa dalkaasi ka jiray ee Zine Al-Abedine Ben Ali.

Xaaladda dalka ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaan in dib dalkaasi ugu laabto kacdoonkii gilgilay waddanka sannadkii 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM

Sacuudiga oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Isbahaysi Caalami ah oo Lagu Ilaalinayo Maraakiibta Badda Cas

Tan iyo markaas, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:35AM