Diyaarad Faransiiska laga leeyahay oo shaki Bambaano loo hakiyay

Image

20 December, 2015(GO)-Diyaar ka soo duushay magalada Mauritius ee dalka Island kuna sii jeeday magalada Paris ee Faransiiska ayaa duulimaadkeeda loo hakiyay shaki Bambaano, waxayna ku qasbanaatay in lagu dajiyo magalada Mumbasa dalka Kenya.

Duuliyaha diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 777 ayaa dalbaday inuu joojiyo safarka, kadib markii musqusha diyaaradda lagu arkay aallad loo malaynayo inay tahay Bamb.

Khuburo Kenyati ku xeel dheer arrimaha miinooyinka ayaa baaritaan kuwadda aaladda laga shakiyay.

Dhawaan ayay ahayd markii weeraro khasaaro badan dhaliyay ka dhaceen dalka Faransiiska, waxaana dowladda iyo shacabka waddankaasi cabsi ka qabaan falal argagixiso oo markale dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM