​Diyaarad ku burburtay dalka Pakistan

Image

Diyaarad nooca rakaabka ah oo laga leeyahay Pakistan ayaa ku burburtay waqooyiga dalkaasi, sida ay Saraakiisha Shirkadda diyaarada xaqiijiyeen.

Diyaarada oo ay saarnaayeen 47 qof oo rakaab ah, ayaa waxay ku dhacday magaalada Abbottabad xilli ay duulimaad gudaha ah ay ka samaynaysay dalka Pakistan.

Kooxaha Gurmadka deg dega ah iyo Boolis ayaa gaarey goobta Diyaaradu ku dhacday, si ay usoo samata bixiyaan dadkii la socday oo aan wali la ogayn inay geeriyoodeen iyo in kale.

Saeed Wazir oo ah Sarkaal Boolis ayaa u sheegay Wakaalada Wararka AFP in Diyaaraddaasi dhacday xilli ay ka timid degmada Chitral kuna sii jeeday magaalada Islamabad, ee caasimada dalka Pakistan.

Wali waxaa socdo baaritaano ay samaynayaan Saraakiisha Pakistan, oo la xiriirta sababta ay usoo dhacday Diyaarada oo leedahay Shirkada Pakistan International Airlines (PIA).

Sanadkii 2015, ugu yaraan 8 qof oo ay ku jiraan diblomaasiyiin u kala dhashay Norway, Philippine, Malaysia iyo Indonesia iyo xaasaskooda ayaa ku dhintay Diyaarad military oo laga leeyahay dalka Pakistan taasoo soo dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM