​Diyaarad ku burburtay dalka Pakistan

Image

Diyaarad nooca rakaabka ah oo laga leeyahay Pakistan ayaa ku burburtay waqooyiga dalkaasi, sida ay Saraakiisha Shirkadda diyaarada xaqiijiyeen.

Diyaarada oo ay saarnaayeen 47 qof oo rakaab ah, ayaa waxay ku dhacday magaalada Abbottabad xilli ay duulimaad gudaha ah ay ka samaynaysay dalka Pakistan.

Kooxaha Gurmadka deg dega ah iyo Boolis ayaa gaarey goobta Diyaaradu ku dhacday, si ay usoo samata bixiyaan dadkii la socday oo aan wali la ogayn inay geeriyoodeen iyo in kale.

Saeed Wazir oo ah Sarkaal Boolis ayaa u sheegay Wakaalada Wararka AFP in Diyaaraddaasi dhacday xilli ay ka timid degmada Chitral kuna sii jeeday magaalada Islamabad, ee caasimada dalka Pakistan.

Wali waxaa socdo baaritaano ay samaynayaan Saraakiisha Pakistan, oo la xiriirta sababta ay usoo dhacday Diyaarada oo leedahay Shirkada Pakistan International Airlines (PIA).

Sanadkii 2015, ugu yaraan 8 qof oo ay ku jiraan diblomaasiyiin u kala dhashay Norway, Philippine, Malaysia iyo Indonesia iyo xaasaskooda ayaa ku dhintay Diyaarad military oo laga leeyahay dalka Pakistan taasoo soo dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM