Djibouti, Eritrea oo muran dhul u dhexeeyo kadib markii Nabad Ilaaliyaal Qatar baxeen

Image

Dowlada Djibouti ayaa maalinimadii Jimacaha 17/06/2017 ku eedeysay wadanka Eritrea in ay qabsadeen dhul kamid ah degaano ka tirsanaa xuduuda labada dal kadib markii nabad Ilaaliyaal ka socdey dalka Qatar ka baxeen halkaas.

Wasiirka arimaha dibada Mohamud Ali Yusuf ayaa sheegey in ciidamada dalka Djibouti la galiyey xaalad deg deg ah kadib wadanka Qatar kala baxeen nabad ilaaliyaal, isagoo sheegey in cabasho u gudbiyeen Qaramada midoobey iyo midowga Yurub. Golaha amaanka ayaa la filayaa in kulan albaabada u xiran yahay ka yeshaan xaalada soo korortey maalinimada Isniinta.

Wadanka Qatar ayaa sheegey in nabad ilaaliyaashooda la baxeen 14 June, 2017 kadib markii labadaan wadan diplomaasi ahaan taageereen xulifida wadanka Sucuudiga.

Wasiirka arimaha dibada Djibouti ayaa sheegey in ciidamada Eritrea qabsadeen saacado kadib markii nabad ilaaliyaashu ka baxeen degaanada la isku haystey.

GAROWEONLINE+ Wakaaladaha 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM