Djibouti oo laga hirgelinayo mashruuc koronto looga dhalinayo dabeysha

Image

June 24, 2015 (GO)- Dowladda Djibouti ayaa dhowaan bilaabaysa hirgelinta mashruuc koronto looga dhalinayo dabeysha.

Mashruucan oo ah kii ugu horreeyey noociisa, waxaa qorshuhu yahay inuu soo saaro koronto gaareyso 60 milyan oo Wat.

Wasiirka Tamarta ee Djibouti Cali Yacquub Maxamuud iyo Maamule ku-xigeenka Shirkadda fulineysa mashruuca Shanghai Electric Group ,Chen Shuyu, ayaa shalay oo Talaado ahayd heshiis kala saxiixday.

Wasiir Yacquub ayaa xusay in mashruucani yahay mid aad muhiim u ah, maadaama uu qayb ka qaadan doono koboca dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada bulshada.

Djibouti oo kamid ah wadamada geeska Africa ee dhaqaalahoodu sida xawliga ah u kobcayo, waxay dhibaato ka heysatey dhanka korontada.

Sanadkii hore, Djibouti waxay heshiis ku saabsan korontada la gashay dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia. Heshiiskaas ayaa dhigayey in Ethiopia khadkeeda korontada soo gaarsiiso Djibouti.

GAROWE ONLINE+ XINHUA

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM