Djibouti oo laga hirgelinayo mashruuc koronto looga dhalinayo dabeysha

Image

June 24, 2015 (GO)- Dowladda Djibouti ayaa dhowaan bilaabaysa hirgelinta mashruuc koronto looga dhalinayo dabeysha.

Mashruucan oo ah kii ugu horreeyey noociisa, waxaa qorshuhu yahay inuu soo saaro koronto gaareyso 60 milyan oo Wat.

Wasiirka Tamarta ee Djibouti Cali Yacquub Maxamuud iyo Maamule ku-xigeenka Shirkadda fulineysa mashruuca Shanghai Electric Group ,Chen Shuyu, ayaa shalay oo Talaado ahayd heshiis kala saxiixday.

Wasiir Yacquub ayaa xusay in mashruucani yahay mid aad muhiim u ah, maadaama uu qayb ka qaadan doono koboca dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada bulshada.

Djibouti oo kamid ah wadamada geeska Africa ee dhaqaalahoodu sida xawliga ah u kobcayo, waxay dhibaato ka heysatey dhanka korontada.

Sanadkii hore, Djibouti waxay heshiis ku saabsan korontada la gashay dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia. Heshiiskaas ayaa dhigayey in Ethiopia khadkeeda korontada soo gaarsiiso Djibouti.

GAROWE ONLINE+ XINHUA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM