​Donald Trump oo badalay qorshahiisa doorasho

Image

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa is-beddel ku sameeyey ololihiisa doorasho, wax ka yar saddex bil ka hor inta aysan dadweynaha Mareykanka u dareerin goobaha codbixinta.

Waxa uu madaxa sare ee howlfulinta u magacaabay Stephen Bannon oo ka tirsan website-ka muxaafidka ee Breitbart, halka maareeyaha ololihiisa doorashana uu u magacaabay Kellyanne Conway.

“Waa dad aan caadi ahayn, waa guuleystayaal, waa horyaallo, waxaana dooneynaa inaana guuleysano” ayuu Trump u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Tallaabooyinka uu Trump qaaday ayaan saameyn doonin Paul Manafort oo kala waday howlaha ololihiisa tan iyo markii Trump uu bishii June shaqada ka ceyriyey madaxii hore ee ololihiisa, Corey Lewandowski.

Manafort ayaa dhowaanahan waxaa saarnaa diiradda kadib markii wargeyska New York Times uu daabacay warbixin la xiriirisay in lacag 12 milyan oo dollar oo kaash ah uu ka qaatay madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovich, oo ku xiran dowladda Ruushka.

Trump ayaa si aad ah uga dambeeya Hillary Clinton dhinaca codadka ra’yiga dadweynaha Mareykanka.

VOA

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM