​Donald Trump oo badalay qorshahiisa doorasho

Image

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa is-beddel ku sameeyey ololihiisa doorasho, wax ka yar saddex bil ka hor inta aysan dadweynaha Mareykanka u dareerin goobaha codbixinta.

Waxa uu madaxa sare ee howlfulinta u magacaabay Stephen Bannon oo ka tirsan website-ka muxaafidka ee Breitbart, halka maareeyaha ololihiisa doorashana uu u magacaabay Kellyanne Conway.

“Waa dad aan caadi ahayn, waa guuleystayaal, waa horyaallo, waxaana dooneynaa inaana guuleysano” ayuu Trump u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Tallaabooyinka uu Trump qaaday ayaan saameyn doonin Paul Manafort oo kala waday howlaha ololihiisa tan iyo markii Trump uu bishii June shaqada ka ceyriyey madaxii hore ee ololihiisa, Corey Lewandowski.

Manafort ayaa dhowaanahan waxaa saarnaa diiradda kadib markii wargeyska New York Times uu daabacay warbixin la xiriirisay in lacag 12 milyan oo dollar oo kaash ah uu ka qaatay madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovich, oo ku xiran dowladda Ruushka.

Trump ayaa si aad ah uga dambeeya Hillary Clinton dhinaca codadka ra’yiga dadweynaha Mareykanka.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM