​Donald Trump oo ku guulaystay doorashada Maraykanka

Image

WASHINTONG, USA- Donald Trump oo kasocday Xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday waddankaas isagoo helay codad gaaraya 288, halka haweynayda la loollantay ee Hillary Clinton ay heshay 218.

Guushan ayaa noqotay mid taariikhi ah oo ka fajacisay dad badan oo filayay inuu guul darraysan doono ninkan ku cusub siyaasadda islamarkaana saxaafadda marin jiray hadallo qallafsan oo cabsi galin jiray dadka qaybtood.

Wuxuu iminka ku wajahanyahay fagaaro weyn oo taageerayaashiisu isugu soo baxeen, halkaasoo  kula hadli doono kumanaan kamid ah dadkii u ololaynayay inuu xilka kala wareego Obama.

Fantasiyo kala duwan ayaa ka socda gobollada waaweyne dal weynaha Maraykanka.

Donald Trump mar uu hadal kooban warbaahinta siiyay, wuxuu sheegay inay lasoo hadashay haweenayda la tartantay ee ka socotay Xisbiga Dimuqraadiga [Hillary Clinton], iyadoo u sheegtay inuu ka guulaystay islamarkaana aqbashay natiijada.

Trump, wuxuu uga mahad-celiyay Clinton dadaalkii ay soo samaysay iyo tartankii ay la gashay, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay guusha uu ka gaaray doorashada dalkaas ka dhacday.

Trump ayaa ka guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa, waxa uuna sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee "senetka".

Madaxweynaha la doortay, ayaa ku cusub siyaasadda Maraykanka, balse wuxuu caan ka ahaa dalkaas iyo magaalada uu ku dhashay ee New York isagoo ahaa maal qabeen hanti badan leh.

Ballanqaadyo tiro badan ayuu sameeyay mudadii uu murashax ahaa, isagoo sheegay inuu darbi ku kala xiri doono dalalka Mexico iyo USA, si loo yareeyo daroogada xadka kasoo gudubta, wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka fiirsan doono siyaasadda muhaajiriinta, isagoo aad u dhaliilsanaa siyaasadda Obama.

Lama oga sida xaalka Maraykanku noqon doono, balse waxaa dadka qaybtii sheegayaan inuu gali doono jawi kan ka badalan.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM