​Donald Trump oo ku jees-jeesay Qaramada Midoobay

Image

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku dhaliilay Ururka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo sheegay inay tahay murugo socota.

Trump, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in QM ay tahay goob muhiim ah oo ujeedooyin badan loo sameeyay, balse hadda u muuqato goob ay isugu yimaadaan shakhsiyaad kooban oo ay ku lumiyaan waqtigooda.

Wuxuu sidoo kale ku sifeeyay inay tahay Naad koox gooni ah u shaqaysa isagoo shaqadooda ku tilmaamay arrin uu aad uga xunyahay.

"Qaramada Midoobe waxay aheyd meel muhiim ah laakin waxay isku bedeshay goob ay ku kulmaan shakhsiyaad oo ay wada sheekaysi iyo waqti lumis utagaan,”Ayuu yiri Trump.

Xogo uu Trump, uu siiyay wakaaladda wararka Mareykanka AP, ayuu ku sheegay in qaraarkii dhawaan ay QM ku joojisay mashruuca deegaamaysiga Yahuudda dhulka Falastiin uu ahaa mid sharci darro ah oo laga yaaq yaaqsado sida uu hadalka u dhigay.

Maraykanka, ayaa ka aamusay qaraarkaas ay ansixisay Qaramada Midoobay, waxaana tallaabadaas aad uga carooday Israel.

Xukuumadda Washington, ayaa horay u adeegsan jirtay codkeeda Diidmada Qayaxan dhamaan qaraarada ku aadan arrimaha Yuhuudda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM