Donald Trump oo u digay Agaasimihii FBI-da

Image

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa uga digay agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday, James Comey, in uu warbaahinta si qarsoodi ah xog u siiyo.

Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yidhi Comey "waa inuu ogaadaa in aan wadahadalladii na dhex maray aan la duubin" hadalkaas oo ujeedada uu ka leeyahay tahay in hadii uu Comey hadal duuban soo badhigo uu noqon doono mid ka duwan hadaladii ay hore isku dhaafsadeen.

Comey oo hormuud ka ahaa baadhitaan lagu hayo in ay suurto gal tahay in xafiiskii ololaha Trump iyo saraakiil Ruush ahi iska kaashadeen sidii doorashada ay saamayn ugu yeelan lahaayeen ayaa xilka laga qaaday Salaasadii.

Hase yeeshee Trump wuxu ku adkaysanayaa in Comey u sheegay in aan isaga shakhsi ahaan wax baadhitaan ahi ku socon.

Xog-hayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in Trump aanu wax badan ka odhanayn "cajaladaha la duubay" laakiin qoraalkaa uu ku baahiyey boggiisa Twitter-kuna aanu "ahayn hanjabaad" ku socota Comey.

Madaxweyne Trump wuxu hore u sheegay in Mr Comey u sheegay saddex goor in aanu isagu ahayn qofka baadhitaanka FBI-du ku socdo, hadalkaana waxa ka dhashay eedaymo hor leh oo dadka ka soo horjeedaa ku eedeeyeen madaxweynaha inuu fara gelinayo baadhitaanka socda

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM