Donald Trump oo u digay Agaasimihii FBI-da

Image

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa uga digay agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday, James Comey, in uu warbaahinta si qarsoodi ah xog u siiyo.

Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yidhi Comey "waa inuu ogaadaa in aan wadahadalladii na dhex maray aan la duubin" hadalkaas oo ujeedada uu ka leeyahay tahay in hadii uu Comey hadal duuban soo badhigo uu noqon doono mid ka duwan hadaladii ay hore isku dhaafsadeen.

Comey oo hormuud ka ahaa baadhitaan lagu hayo in ay suurto gal tahay in xafiiskii ololaha Trump iyo saraakiil Ruush ahi iska kaashadeen sidii doorashada ay saamayn ugu yeelan lahaayeen ayaa xilka laga qaaday Salaasadii.

Hase yeeshee Trump wuxu ku adkaysanayaa in Comey u sheegay in aan isaga shakhsi ahaan wax baadhitaan ahi ku socon.

Xog-hayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in Trump aanu wax badan ka odhanayn "cajaladaha la duubay" laakiin qoraalkaa uu ku baahiyey boggiisa Twitter-kuna aanu "ahayn hanjabaad" ku socota Comey.

Madaxweyne Trump wuxu hore u sheegay in Mr Comey u sheegay saddex goor in aanu isagu ahayn qofka baadhitaanka FBI-du ku socdo, hadalkaana waxa ka dhashay eedaymo hor leh oo dadka ka soo horjeedaa ku eedeeyeen madaxweynaha inuu fara gelinayo baadhitaanka socda

BBC

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM