Dooni ay la socdeen 550 qof oo ku degtey xeebaha Talyaaniga

Image

April 15, 2015 (GO)- Doon ay la socdeen 550 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku degtey xeebaha dalka Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystey inay soo badbaadiyaan 144 qof oo dhallinyaro u badan, waxaase weli la la'yahay in ka badan 400 oo kale.

Waxaa socda hawlgallo dhanka cirka iyo badda ah kuwaasoo lagu baadi goobayo haddii ay jiraan dad shilkaas ka badbaadey.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee magaceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in afartii maalmood ee ugu dambeeyey ay xeebaha dalka Talyaaniga soo gaareen muhaajiriin tiradoodu gaareyso 8,500 qof.

UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in sanadkii hore ee 2014 xeebaha u dhexeeya Libya iyo Italy ay ku geeriyoodeen 3, 072 qof, tiradaasoo aad u badan marka loo barbar dhigo dadkii badda Mediterranean-ka ku geeriyoodey sanadkii 2013 oo ahayd 700 oo oqof.

Sanadkii lasoo dhaafey oo keliya, waxaa dalalka Midowga Yurub gaarey 280, 000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ka tegey dalalka Syria, Eritrea iyo Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM

Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 08:48AM