Dooni ay la socdeen 550 qof oo ku degtey xeebaha Talyaaniga

Image

April 15, 2015 (GO)- Doon ay la socdeen 550 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku degtey xeebaha dalka Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystey inay soo badbaadiyaan 144 qof oo dhallinyaro u badan, waxaase weli la la'yahay in ka badan 400 oo kale.

Waxaa socda hawlgallo dhanka cirka iyo badda ah kuwaasoo lagu baadi goobayo haddii ay jiraan dad shilkaas ka badbaadey.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee magaceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in afartii maalmood ee ugu dambeeyey ay xeebaha dalka Talyaaniga soo gaareen muhaajiriin tiradoodu gaareyso 8,500 qof.

UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in sanadkii hore ee 2014 xeebaha u dhexeeya Libya iyo Italy ay ku geeriyoodeen 3, 072 qof, tiradaasoo aad u badan marka loo barbar dhigo dadkii badda Mediterranean-ka ku geeriyoodey sanadkii 2013 oo ahayd 700 oo oqof.

Sanadkii lasoo dhaafey oo keliya, waxaa dalalka Midowga Yurub gaarey 280, 000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ka tegey dalalka Syria, Eritrea iyo Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM