​Dooni degtay oo dadkii saarnaa la la'yahay

Image

Ku dhawaad 100 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu la'yahay gudaha badda Mediterranean-ka kaddib markii doonidii siday ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Liibiya.

Ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo haatan wada baadigoobka dadkaasi, ayaa sheegay in ay biyaha badda ka soo heleen 8 mayd halka 4 qofna ay soo badbaadiyeen.

Hasayeeshee tobannaan qof oo kale ayaa weli la rumaysan yahay in ay badda ku jiraan xilli uu haboonku u galay howlihii baadigoobka.

Doonta ayaa ku degtay inta u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasi oo 50km u jirta xeebta Liibiya.

Markab dagaal oo uu Faransiisku leeyahay, laba doon oo ganacsi, iyo taageero dhanka hawada ah ayaa lagu fulinayaa howsha baadigoobka.

Ma ay cadda dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriintaasi ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.

Tirada muhaajiriinta u safarta Yurub ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada muhaajiriinta dabayaaqadii 2015, hasayeeshee in dadku ay ka soo tallaabaan badda ayaa weli ah mid dad badan ay adeegsadaan misana khatar ah.

Jimcihii, ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay ku dhawaad 550 muhaajiriin ah oo ku safrayay badda Mediterranean-ka.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM