Nin u dhintay Covid-19 oo ku guuleystay doorashadda Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Nin u dhintay safmareenka halista ah ee Coronavirus ayaa ku guuleystay xubinimada Golaha Wakiilada gobolka North Dakota ee waddanka Mareykanka, sidda ay ku warameyso saxaafadda maxaliga ah.

Sidda laga soo xigtay natiijo rasmiya, David Andahl oo 55-jir ahaa, ayaa kusoo baxay mid kamida labada kursi ee degmada 8aad. Saaxibkii ay xisbiga Jamhuuriga kawada tirsan yihiin Dave Nehring ayaa wehliya.

Nasiib darro, Andahl oo ahaa ganacsade leh beer weyn ayaa 5-tii October wuxuu u dhintay Covid-19 ka gedaal markii uu muddo la tacaalay. Qoyskiisa oo geeridiis xaqiijiyey waxay sheegeen in ay murugoonayan.

Qaybo kamid ah gobolkaas waxaa halis u geliyey Coronavirus nidaamka uu maamulka u qorsheeyay in uu kula diriro xanuunka oo ah in aysan jirin wax xayiraadyo ah oo loosoo rogay xakameynta caabuqa.

Andahl oo beertiisa lagu xanaaneyn jiray Lo'da ayaa wuxuu qorsheynayey in uu balaariyo, sidda uu wariyey bogga afka dheer ee Bismarck Tribune.

Ma cadda sidda laga yeelayo kursiga uu kusoo baxay, hase ahaatee, xeer-ilaaliyaha guud Wayne Stenehjem wuxuu sheegay in xisbigiisa loosiin doono fursad ah in ay soo buuxiyaan booskaas faaruqa ah.

Doorashada Mareykanka ee 2020 ayaa la xaqiijiyey in ay si rasmi ah ugu biirtay cod-bixinadii ay dadka ugu badnaa safka u galeen in ay codadkooda dhiibtaan, waxaana ugu wacan mar-xalada lagu jiro ee fayruska Coronaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM