Doorashada Uganda oo la cambaareeyay

Image

Korjoogtada midowga Yurub ee kusugan Ugandha ayaa waxa ay dhalleceeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ee madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Mid ka mid ah indha indheeyayaasha oo ka socda baarlamaanka Yurub, Jo Leinen waxa uu sheegay in codeynta ay hareysay akhbaaraad waxrbaahineed oo aan cadaalad ahayn.

Wuxuuna intaa raaciyay in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga jugleyn ah oo shacabka iyo musharrixiinta ay la kulmeen.

Guddiga doorashada waxaa la filayaa inuu shaaciyo natiijada ugu dambeyso maanta oo sabti ah.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayey u badan tahay inuu kordhisto xilligii sodonka sano ee Ugandha uu xukumaayay.

Natiijada hordhaca ah waxa ay muujineysaa inuu helay in kabadan boqolkiiba 60da codadkii la dhiibtay.

Ninka matalaya mucaaradka ugu wayn, Kizza Besigye, waxa uu illaa iyo hadda haystaa 34 boqolkiiba.

Xigasho: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM