Doorasho ka dhacaysa dalka Myanmar

Image

08 November, 2015(GO)-Dadka reer Myanmar ayaa maanta oo Axad ah u dareeray doorashadii ugu horaysay nooceeda oo ka dhacda dalkaasi muddo dhan rubuc qarni, waxyna dooran doonaan in ka badan 6 kun oo tartame kuwaasi oo doonaya kuraasta Barlamanka iyo gobollada dalkaasi.

In ka badan 30 milyan oo ruux ayaa u dareeray doorashada maanta, waxaana ololihii la joojiyay 24 ka hor intaan codbixinta loo dareerin.

Doorashadan ayaa keeni karta in awoodda la wareego xisbiga National League for Democracy oo ay hogaamiso haweenayda la yiraahdo Aung San Suu Kyi. Miss Kyi ayaa dadka oo dhan ku boorisay inay doorashada ka qeyb qaataan si ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM