Doorashooyinka Mareykanka oo ka billaabanaya Iowa

Image

DES MOINES— Kadib bilo kulamo, khudbado iyo doodo ah, ayaa doorahsooyinka horudhaca ah ee xisbiyada Mareykanka waxa ay si rasmi ah u billaabanayaan maanta, marka dadka gobolka Iowa ay codadkooda dhiibtaan.

Codadkii ugu dambeeyey ee ra’yiga ayaa muujinaya in tartanka labada xisbiba ay Jamhuuriga iyo Dimoqraadigaba ay yihiin kuwa aad la isugu dhow yahay.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, ninka ka ganacsa hantida ma guurtada ah ee Donald Trump ayaa shan dhibcood ka horeeya senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, oo u muuqda inuu qaladaad sameeyey ka hor kulmada doorashooyika ee Iowa.

Dhinaca xisbiga Dimqoraadiga, ayaa tartanka uu u muuqda mid ay siman yihiin xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton iyo senator-ka gobolka Vermont laga soo doorto Bernie Sanders, oo isku qeexa hanti-wadaag dimoqraadi ah.

Doorashada Iowa waxaa xigi doona tan gooblka New Hampshire oo ay si aad ah ugu horreeyaan Donald Trump oo dhinaca Jamhuuriga hoggaaminaya iyo Bernie Sanders, oo ku horreeya tan dimoqraadiga.

VOA

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM