Doorashooyinka Mareykanka oo ka billaabanaya Iowa

Image

DES MOINES— Kadib bilo kulamo, khudbado iyo doodo ah, ayaa doorahsooyinka horudhaca ah ee xisbiyada Mareykanka waxa ay si rasmi ah u billaabanayaan maanta, marka dadka gobolka Iowa ay codadkooda dhiibtaan.

Codadkii ugu dambeeyey ee ra’yiga ayaa muujinaya in tartanka labada xisbiba ay Jamhuuriga iyo Dimoqraadigaba ay yihiin kuwa aad la isugu dhow yahay.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, ninka ka ganacsa hantida ma guurtada ah ee Donald Trump ayaa shan dhibcood ka horeeya senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, oo u muuqda inuu qaladaad sameeyey ka hor kulmada doorashooyika ee Iowa.

Dhinaca xisbiga Dimqoraadiga, ayaa tartanka uu u muuqda mid ay siman yihiin xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton iyo senator-ka gobolka Vermont laga soo doorto Bernie Sanders, oo isku qeexa hanti-wadaag dimoqraadi ah.

Doorashada Iowa waxaa xigi doona tan gooblka New Hampshire oo ay si aad ah ugu horreeyaan Donald Trump oo dhinaca Jamhuuriga hoggaaminaya iyo Bernie Sanders, oo ku horreeya tan dimoqraadiga.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM