Dowlada Jabuuti oo Dalbatey in Ciidamo la keeno xadkey ku muransan yihiin Eritrea

Image

Dowladda Jabuuti ayaa ka dalbatay Midowga Afrika in koox kormeerayaal ah loo diro xadka ay la wadaagan Ereteria oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisadi ka taagnayd ka dib markii ciidamadii nabad ilaalinta ee Qadar ay hallkaasi isaga baxeen.

Ciidamada Qadar ee ku kala dhex-jiray labada dhinac ayaa la keenay xadka labadan wadan sanadkii 2008-da markaasi oo labada dowladood uu dhex-maray dagaal kharaar oo ka dhashay muran la xiriira dhanka xadka la isku haysto.

“Qadar waxa ay la baxday ciidamadeeda ,iyada oo uusan jirin qorshe diyaarsan oo looga horagi karo khilaafka labada dowladood ,mana ahayn arintaasi mid ay dani ugu jirto labada dhinac” ayuu  yiri wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Mohamoud Ali Yuusuf oo ka qayb-galaya shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

“Waxaan Midowga Afrika u soo jeedin-nay in ay la wareegto xadka lagu muran-sanyahay , isla markaana la buuxiyo booskii ay ciidamada Qadar ka tageen “ ayuu mar kale yiri wasiirka oo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siiyo arintan.

Mr. Yuusuf ayaa sheegay in hadii Midowga Afrika uu arintan soo fara-galiyo xal laga gaari karo khilaaf hor leh iyo dagaal dhex-mara dowladaha Jabuuti iyo Ereteria ,waxaana uu xusay in Ereteria ay ciidamo badan soo dhoobtay xadkooda.

Ugu danbayn, dowladda Qadar ayaa ciidamadeeda kala baxday xadka uu muranku ka jiro ka dib markii ay dowladaha Jabuuti iyo Ereteria la safteen xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga oo xiriirka u jaray dowladda Qadar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM