Dowladda Iran oo digniin culus u dirtay Israa’iil

Image
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa ka jawaabay hanjabaada maamulka Israa'iil.

Tehran (GO) - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Talaadadii xaqiijiyay in jawaabta dalkiisa ka bixin doono tillaabo kasta oo lagu bartilmaameedsanayo danaheeda ay noqon doonto mid adag.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Ali Bagheri Kani ayaa sidoo kale sheegay in waddankiisu uu dhowr ilbiriqsi gudahood kaga jawaabi doono weerar kasta oo uga yimaada Israel.

Waxa kale oo uu tixgeliyey in Israa’iiliyiintu ay gaysteen khalad istaraatijiyad ka dib markii ay duqeeyeen qunsuliyadda Iran ee Dimishiq bilowgii bishan April, taaso fursad u siisay Iraan inay tijaabiyaan awoodooda militari sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu darsay qorshaha uu kaga jawaabayo weerarkii, waxaana uu sameeyay dhowr xaaladood oo ku aadan sida ay jawaabtu noqon karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM