Dowladda Jabuuti oo xiriirka u jartay Iran

Image

07 January, 2016(GO)-Bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed loogu jaray xukuumadda Tehraan, waxaana arrinta daba joogtaa weerar dad carraysan dhawaan ku qaadeen safaaradda Sacuudigu ku leeyahay xarunta dalka Iran.

Arrinta ayaa dadka siyaasadda odorosa ku sheegeen xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Sacuudiga inay ka dambayso tallaabadaasi.

Horray waxaa dalka Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jaray waddamada carbeed qaybtooda sida; dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. 
Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Xumaanshaha xiriirka waddamadan ayaa yimi kadib markii Boqortooyada Riyad dil u gaysteen 47 ruux oo lagu soo eedeeyay falal argagixiso, waxaana kamid ahaa wadaad dadka Shiicadda aad u qadariyaan kaasoo lagu magacaabi jiray Nimr Baqir al-Nimr.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM