Dowladda Masar oo cafisay wariyaasha Aljazeera

Image

24 September, 2015(GO)-Labo wariye oo  ka tirsan Aljazeera ayaa xoriyadooda dib u helay ka dib boqol maxaabiis laga sii dayay xabsi ku yaalla Qaahira.

Mohammed Fahmy, oo Canadian ah iyo Baher Mohamed, oo Masri ah ayaa madax banaanidooda helay ka hor inta madaxweyne Cabdul Fataax al-Sisi aadin shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.

Wariyaasha la sii dayay ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah bishii hore, ka dib markii lagu eedeeayay taageero ay u muujiyeen argagixiso.

Peter Greste oo lala xiray weriyayaashan ayaa laga masaafuriyay Qaahiro sanadkan horraantiisi, waxaana rrintan dhalisay olole ballaaran oo xorriyadda hadalka oo caalamka dhan ah.

Madaxweynaha Masar ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada New York si uu uga ka qaybgalo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM