Dowladda Nigeria oo sii deysey labo wariye oo ka tirsan Aljazeera

Image

April 6, 2015 (GO)- Labo wariye oo ka tirsan telefishinka Al-jazeera kuwaasoo todobaad kahor lagu xirey dalka Nigeria ayaa dib xoryaddooda u helay.

Ahmed Idris iyo Ali Mustapha waxaa la xirey March 24, 2015 xilligaasoo ay soo tebinayeen wararka ku saabsan hawlkagii ka dhanka ahaa mileeshiyada Boko Haram ee ciidamada Nigeria magaalada Maiduguri ka sameeyeen.

Sii deyntooda waxaa xaqiijiyey Saleh Negm oo ah madaxa wararka Al-jazeera isagoo xusey labada wariye kusoo noqdeen caasimadda Abuja dibna ula midoobeen qoysaskooda.

"waan ku faraxsannahay in Axmed iyo Cali dib xoriyaddooda loogu soo celiyey...waxan ogahay in labadooduba ay doonayaan inay u mahadceliyaan cid kasta oo sii deyntooda gacan ka geysatey" Saleh Negm madaxa wararka ee Al-jazeera ayaa sidaas yiri.

Dhowaan ayey ahayd markii xabsi ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar laga sii daayey saddex wariye oo ka tirsanaa isla telefishinka Al-jazeera kuwaasoo xirnaa muddo sanada ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM