Dumarka Sucuudiga oo loo ogolaaday doorashada dowladaha hoose

Image

12 December, 2015(GO)-Haweenka dalka Sacuudiga ayaa loo ogolaaday inay ka qayb qaataan doorashooyinka dowladaha hoose oo la filayo in dalkaasi ka dhacaan.

Dumarka ayaa sidoo kale loo ogolaaday inay isu soo sharaxaan jagoojinka golayaasha deegaanka waddankaasi, waxayna wajihi doonaan loollan xooggan.Ilaa kun haween ah, ayaa tartamaya waxayna la loolami doonaa 6 kun oo rag ah.

Arrintaasi ayaana lagu tilmaamay inay yara khafiifinayso cadaadiska lagu hayo haweenka Sacuudiga.

Doorashooyinka ayaa la hakiyay, kadib markii la diiday in dumarku waji ka waji la hadli karaan labka ama ragga.Waxaa loo ogolayn inay kaxaystaan baabuur goobaha codbixintu ka dhacayso, balse urur hweenku leeyihiin oo lagu magacaabo Al-Nahda ayaa ka caawinaya imaanshaha xarumaha codbixinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM