Duqa Istanbul oo wajahaya dacwad uu xabsi ku geli karo

Image

ISTANBUL, Turkey - Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa raadinaya xukun xabsi ah oo gaaraya ilaa afar sano laguna rido duqa magaalada Istanbul kadib aflagaado uu u geystay maamulka doorashada, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowlada ee Anadolu, oo soo bandhigtay tafaasiil kala duwan oo ku saabsan in kiiskan isha lagu hayo.

Ekrem Imamoglu, oo ka socda xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Republican People’s Party, ayaa loo doortay duqa magaalada ugu weyn dalka Turkiga bishii Juun 2019 kadib codbixin ku celis ahayd markii doorashadii hore loo baabi'iyey eedeymo ay u jeedisay xisbiga talada haya ee AK Party oo ku saabsan wax-is-dabamarin.

"Dacwad oogayaasha ayaa codsanaya in Imamoglu lagu xukumo afar sano ah oo xabsi ah maadaama uu ku aflagaadeeyay xubnaha guddiga sare ee doorashada khudbad uu jeediyay markii la kansalay wareegii koowaad ee doorashada bishii Maarso 2019," ayay tiri Anadolu.

Warbaahinta Turkiga ayaa kasoo xigtay  in hakinta doorashadda ay saameyn ku yeelatay sumcadda caalamiga ah ee Turkiga isla markaana saraakiisha go’aanka qaatay ay "nacasiin ahaayeen".

Imamoglu ayaa ku diiday eedeymahaas qoraal uu soo saaray, wakaalada wararka ee DHA ee gaarka loo leeyahay, oo soo xiganaysa duqa magaalada ayaa yiri: "Khudbadu waxay ahayd mid siyaasadeed, waxay ahayd dhaleeceyn siyaasadeed oo xoogan".

Ra’yi ururintii ugu dambeysay waxay muujineysaa in sumcadda Imamoglu ay dhaaftay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, maaddaama hoggaamiyaha Turkiga uu la dagaallamayo dhibaatooyinka caalamiga ah ee COVID-19 iyo caqabadaha dhaqaale, ka hor doorashooyinka madaxtinimada ee loo qorsheeyay 2023.

Dacwadda ayaa aqbalay maxkamad ku taal magaalada Istambulna way dhegeysan doontaa kiiska, sidda ay warisay wakaaladda Anadolu oo soo xiganeysa illo wareedyo aysan magacaabin

Imamoglu wuxuu wajahayaa dhowr baaritaan oo kale. Horraantii bishan, dacwad oogeyaashu waxay bilaabeen baaritaan ku saabsan dhaqankiisa "ixtiraam darrada ah" ee lagu eedeeyay intii lagu jiray booqashada macbad.

Waxa kale oo uu wajahayaa baadhitaan ku saabsan sida uu uga soo horjeedo mashruuca calanka ee Erdogan oo abuuraya baddel marin biyoodka Bosphorus, oo ah haadka weyn ee maraakiibta adduunka. Eedeynta kiiskaas ayaa ah in lacagta dadweynaha si aan habooneyn loogu isticmaalay boorar lagu dhaleeceynayo mashruuca Erdogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM