Duqa magaalo ka tirsan UK oo xabsi loogu taxaabay musuqmaasuq

Image

LONDON, UK – Duqa magaalada Ingiriiska ka tirsan Liverpool ee Joe Anderson ayaa loo xiray tuhun la xiriira wax-is-dabamarin iyo cabsi-gelinta marqaatiyeyaal. Afar eedeysane kale ayaa ku wehliya galkan sanadaha badan jira.

Golaha degaanka magaaladaas dekada leh wuxuu sheegay in ay la shaqeyn doonan baareyaasha. Xisbiga Shaqaalaha wuxuu xusay in ay shaqo joojin ku sameeyeen Mr Aderson illaa kiiskan laga soo gabagabeynayo.

Latuhunsaneyaasha waxaa loo haystaa qandaraasle dhismeyaal si musuqmaasuq ah loo maareeyay. Eedeysaneyaasha waxay isugu jiraan shaqsiyaad ka shaqeeya arrimaha horumarinta guriyaha iyo ganacsato kale oo caan ah.

Sidda laga soo xigtay warbixinta booliska, eedeysaneaasha oo da’doodu kala tahay 33-jir, 62-jir, 46-jir iyo 25-jir ayaa laba kamid ah kasoo jeedaa Liverpool, mid laga soo xiray Ainsdale iyo mid kale oo laga soo qabtey Ormskirk.

Shaqiyaadka la xiray waxaa kamid ah Elliot Lawless kaasoo kalkii hore la qabtay Janaayo, 2019 balse waa lasii daayay kumana jiro xubnahaa cusub.

Mr Anderson ayaa ciidamadda badda kamid noqdey markii uu iskuulka kaga baxay 16-sano jir. Duqa magaaladda ayaa loo doortey sanadkii 2012-kii. Walaalkii Bill wuxuu dhowaan u geeriyooday safmareenka Coronavirus.

Ra'iisul Wasaare Boris Johnson oo aysan isku xisbi ahayn ayuu si balaaran ugu ammaanay qaabka uu ula tacalaay dunida heeganka gelisay.

Kiisaska musuqmaasuqa ayaa aad xasaasi uga ah waddanka Ingiriiska. Mas'uuliyiinta ay ku cadaato waxa la kulmaan ciqaab daran. Taas bedelkeed, waxaa suurtagal ah in laga mamnuuco ka shaqeynta xafiis shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM