Duqaymo ka dhacay Suuriya oo dad lagu dilay

Image

18 September, 2015(GO)-Ugu yaraan 15 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca qaraxyo ku garaaceen magaalada Busra Alsham gobolka Darca ee dalka Suuriya.

Duqaymahan ayaa ciidamada Suuriya ku beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin fallaagada ka dagaallanta dalkaasi.

Wararka aay intaasi ku daraya in duqamya loo gaystay magaalooyinka Xalab ee waqooyi iyo Raqa oo dhacda bariga fog ee dalkaasi.

Magaalada Xalab oo kali ah waxaa la sheegay in 40 qof ku dhinteen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhaawacyada ayaa la rumaysanyhay inay intaasi ka badanyihiin, waxaana colaadaha dalkaasi ka socda sababeen qaxa muhaajiriin Suuriyaan ah kuwaasi oo ku dhibaataysan xuduuda waddamada Yurub qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM