​Duqayn lagu dilay hogaamiyaha Taliban

Image

KABUL- Mileteriga dalka Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn ku dileen hogaamiyaha ururka Taliban ee dalka Afghanistan Mullah Mansoor xilli isaga iyo nin kale gaari ku marayeen meel baatiye ah oo katirsan magalada Axmed Wal oo u dhow xuduudda dalkaasi.

Duqantan ayaa waxaa gaystay dhawr kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi, waxaana la sheegay inu hogaamiyaha xilka hayay ilaa Bishii July ee sannadkii hore uu khatar ku ahaa jiritaanka iyo xasiloonida Afghanistan.

Nin u hadlay xarunta dhexe ee Gaashaandhigga Maraykan oo la hadlayay warbaahinta dalkaasi, ayaa qeexay ujeeda ka dambaysa dilka hogaamiyahaasi, wuxuuna xusay inuu halis ku ahaa ciidamadooda iyo amniga gobolka.

Hasayeeshee safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jiray NATO, Kurt Volker, ayaa sheegay in geerida Mansuur aanay wax badan badeli doonin.

Dilka hogaamiyahan, ayaa kusoo beegmay xilli mudooyinkii dalkaasi xoogaystay weerarada kooxda Taliban-ka oo dagaal xooggan kula jirta ciidamada NATO iyo kuwa dowladda Afghanistan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM