Duqeyn 33 qof ku dishay Dalka Syria

Image

Hay’ad la socota dagaalka dalka Syria ayaa sheegtay in duqeyn la rumeysan yahay inay fuliyeen isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ay 33 qof ku dishay iskuul u dhow magaalada muhiimka ah ee Raqqa.

Kooxda la socodka xuquuqda aadanha ee Syria waxa ay sheegtay in weerarka uu xilli hore maalintii talaadada ka dhacay xaafadda al-Mansoura, islamarkaana iskuulka la weeraray uu gabbaad u ahaa dad ku barakacay dagaalka Syria.

Raqqa waa caasimada ay sheegtaan kooxda Daacish, waxaana qabsashada magaalada ay tahay muhiimadda koowaad ciidamada kala duwan ee la dagaalamaya kooxdaas.

Isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo oo ay ku jiraan dhowr iyo toban dal oo kale ayaa duqeymo ku waday magaalada Raqqa maalmihii dhowaa.

Xog laga helay isbaheysiga ayaa muujineysa in qiyaasti labaatan duqeyn ay maalinkiiba ka dhacday magaaladaas, maalmihii Sabtida, Axaddii iyo Isniintii.

Guud ahaan, duqeymaha Syria ayaa sare u kacay sanadkan, ayada oo bilihii Janaayo iyo Febraayo ay dhaceen 550 duqeyn midkiiba, taas oo aad uga badan 350 duqeyn oo dhacay guud ahaan lixdii bil ee ugu dambeeyey sanaddii 2016.

VOA


Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM