​Duqeyn khasaaro geystay oo ka dhacday Yemen

Image

Saraakiisha amniga dalka Yemen ayaa sheegay in uguyaraan 13 qof oo shacab ah ay ku dhinteen Duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen Diyaaradaha Sacuudiga koonfurta dalkaasi.

Wakaalada Wararka AP ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday koonfur Bari ee magaalada xeebta ku taallo ee lagu magacaabo Xudayda.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa waxaa ku jira carruur iyo haween, sida ay dhaqaatiirka magaalada Xudayda warbaahinta u sheegeen.

Magaalada uu weerarku ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay maamulaan maleeshiyaadka shicada xuutiga ah ee Iran ay taageerto.

Ciidamada Xulufada Khaliijka Carabta ayaa howlgal ka billaabay dalka Yemen Bishii Maarso, 2015 kadib markii awooda lagala wareegay dowladda Madaxweyne Cabdul Rabi Mansuur Haadi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM