Duufaanta Chapala oo labo qof ku dishay dalka Yemen.

Image

02 November, 2015(GO)-Duufaan xooggan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhacday dalka Yemen isla markaana sababtay dhimashada labo qof iyo dhaawaca sagaal kale.

Dufaanta Chapala oo wayadan dul maraysay Badda Carbeed iyo qaybo ka mid ah Bad-weynta Hindia, ayaa ka dhacday jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, waxayna bur-burisay in ka badan 100 guri, halka rujisay geedo badan isla markaan dajisay Doonyo Kalluumaysi.

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya inay duufaantu wadato daybl ku socoto xawaare dhan 195 km/h.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxday warbixin ka digaysay dufaanta Chapala oo la sheegay inay saamayso qaybo ka mid ah wadamada dhaca Badda Carbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM