​Duufaan dad ku dishay Florida

Image

Duufaanta Matthew ayaa xirtay buundooyinka iyo waddooyinka Gobalka Florida ee Maraykanka, taa oo sababtay in kooxaha gurmadka degdega ah ay gaari waayaan dad ku dhaawacmay.

Meydadka laba qof ayaa laga helay guri ku yaalla gobolk Florida, halka laba qof oo kalena ay ku dhinteen ka dib markii ay ku soo dumeen geedo.

In kabadan hal milyan oo qof ayaa weli koronto la'aan ah, balse inta badan qeybaha gobolkaasi ayaa ka badbaaday duufaanta Matthew.

Duufaanta ayaa hadda tabar dhigtay, waxaana ay gaartay heerka labaad, ayadoo dabeysheeduna ay ku socoto 110 mayl saacadiiba.

Balse weli waxaa jirta cabsi laga qabo in daadad ka dhasha xeebta.

Way adagtahay in la saadaaliyo halka ay ku wajahantahay duufaanta, balse waxaa la filayaa in ugu dambeyn in ka laabato xeebaha Maraykanka 24-saac ee soo socda.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM