​Duufaan kale oo ku dhufatay Mareykanka

Image

Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.

Duufaantan oo saacaddiiba jareysa 295km ayaa lagu sheegay tii ugu xooganeyd ee abid garaacda dalalka dhaca badda atlantiga.

Saraakiisha Puerto Rico ayaa sheegay in muddo ka badan lix bilood ay qaadan doonto in korontada Jaziirada ay si buuxda usoo laabato.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Puerto Rico, taasoo u fasaxeysa Hey’adda Maareynta Masiibooyinka deg dega ee Mareykanka ay halkaasi ka bilowdo howlaha gurmadka.

Axada ayaa la filayaa in duufaanta Irma ay garaacdo koofurta Florida iyo hareeraha magaalada Miami.

Source: GO + VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM