Duufaanta Irma oo ku dhufatay Florida

Image

USA - Duufaanta Irma ayaa billowday in ay garaacdo xeebaha gobolka Florida ee dalkan Mareykanka, taasoo durbaba dhalisay in 75 kun oo ruux ay iska diiwaan geliyaan xarumaha dag daga ah ee ay dowladu diyaarisay.

Dabeylo iyo roobab xoog leh oo qeyb ka ah masiibada duufantan Irma ayaa lagu wadaa in ay fatahaado iyo bur bur ka geystaan waqooyiga Floria saacadaha hore ee Axada maanta ah, ka hor inta aysan usii gudbin xeebaha galbeed ee isla gobolkaan.

Gudoomiyaha gobolka Florida Rick Scott ayaa u shacabka u sheegay in ay isaga baxaan deegaanada lasii iclaamiyay in laga cararo ee ay duufaantu ku socoto, waxa kale oo uu sheegay in gobolka uu ku jiro xaalad dag dag ah.

Waa dufaantii labaad oo ka dhacda Mareykanka muddo 15 maalmood gudahood ah, laba todobaad ka hor ayey aheyd marki ay duufaanta Harvey garaacday gobolka Texas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM