Edgar Lungo oo loo doortey Madaxweynaha Zambia

Image

January 25, 2015 (GO)- Edgar Lungu oo ka tirsan xisbiga haya talada  Zambia ayaa ku guuleystey doorashadii madaxtinimada dalkaas,  kadib markii uu ka adkaadey Hogaamiyaha Xisbiga UPND, Hakainde Hichilema.

Natiijada doorashada ayaa ahayd mid aad isugu dhow, Lungu wuxuu helay 48.33% codadka halka Hichilema ka helay  46.67%.

Hogaamiyaha Xisbiga UPND, Hakainde Hichilema oo kamid ah raga ugu hodonsan Zambia wuxuu kasoo horjeestey natiijada doorashada, isagoo sheegay in lagu shubtey kuna eedeeyey guddiga doorashada inay wax is dabo marin sameeyeen.

"doorashada lagu shubtey ma noqoneyso mid ka turjumeysa rabitaanka dadka Zambia" Hichilema ayaa yiri isagoo intaas raaciyey " hadii Edgar loo dhaariyo madaxweynaha dalka waa inuu ogaadaa inuu yahay madaxweyne aan sharci ahayn"

Edgar Lungu oo 58jir ah wuxuu noqonayaa madaxweynihii lixaad ee dalka Zambia yeesho laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatey.

Doorashada madaxtinimada Zambia ayaa ahayd mid waqtigeedii laga soo hormariyey kadib geerida madaxweynihii hore Michael Sata oo bishii October ee lasoo dhaafay dhintey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM