Egypt : mid kamid ah wariyeyaashii Al Jazeera oo lasii daayey

Image

February 1, 2015 (GO)- Waxaa dib xoriyaddiisa u helay Peter Greste oo ah wariye u dhashay Australia kana tirsan telefishinka Al Jazeera qeybtiisa ku hadasha luqadda Englishka.

Peter oo ay weheliyaan labo wariye oo isla Al Jazeera ka tirsan laguna kala magacaabo Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy waxay muddo 11 bilood ah ku jireen xabsi ku yaala xarunta dalka Masar ee Qaahira.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Masar ayaa xaqiijiyey sii deynta Wariyaha iyagoo intaas raaciyey in loo musaafuriyey dalkiisa hooyo ee Australia.

Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy ayaa weli xiran, waxaase jirta rajo wanaagsan laga qabo in iyagana dhowaan lasii daayo.

Maamulka telefishinka Al Jazeera iyo guud ahaan bahda warbaahinta ee caalamka ayaa soo dhoweeyey in wariye Peter Greste 400 oo maalmood kadib dib xoriyadiisa u helay.

Bishii hore ee January, waxaa magaalada Garowe ka dhacay dibadbax kooban oo wariyeyaasha Puntland ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin xukunka sharci darrada ah ee maxkamad ku taalla dalka Masar ku ridey saddexda wariye ee ka tirsan Al Jazeera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM